Ciidamada Booliiska Galmudug ayaa howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen wadada isku xirta magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Gellinsoor ee gobalka Mudug, waxay kusoo qabteen rag ay sheegeen in dhibaato ay ku hayeen dadka shacabka ah.
Taliyaha ciidamada Booliiska Galmudug Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in raggaan ay soo qabteen ay dhibaato u geysan jireen dadka shacab ah, islamarkaana baaritaanno lagu hayo.
Lix ruux oo hubeysan ayeey soo qabteen ciidamada, kuwaasi oo ku eedeysan amni darro aad u baahsan oo ay ku hayeen dadka wadadaasi safarka ku ah.




From the comments