Goobjoog

Madaxda Imaaraadka oo Qaabiley Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya

Dhaxal sugaha imaaradda Abu Dubai ee dalka isu tagga imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Sayid Al Nahyaan, ahna ku xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ayaa qasrigiisa ku qaabiley…

Madaxda Imaaraadka oo Qaabiley Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya
ABU DHABI, UNITED ARAB EMIRATES – August 30, 2015: HH Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan Crown Prince of Abu Dhabi Deputy Supreme Commander of the UAE Armed Forces (3rd R) and HE Dr Anwar bin Mohamed Gargash UAE Minister of State for Foreign Affairs (2nd RR), meet with HE Hassan Sheikh Mohamud President of Somalia (2nd L). ( Mohamed Al Hammadi / Crown Prince Court – Abu Dhabi ) —

Dhaxal sugaha imaaradda Abu Dubai ee dalka isu tagga imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Sayid Al Nahyaan, ahna ku xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ayaa qasrigiisa ku qaabiley waftiga madaxweynaha Soomaaliya ee booqashada rasmiga ah ku jooga dalkaasi.

Waftiga oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa qeyb ka ah wasiirka arrimaha dibada Cabdisalaan Hadliye iyo wasiirka Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada , Cali Axmed Jaamac (Jangeli).

Dhaxalsugaha ayaa waxa uu waftiga kala hadlay xiriirka labada dal, iyo sidii wax loo wada qabsan lahaa, gaar ahaan mashaariicda dowladda Imaaraadka ay ka waddo gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagu dhankiisa u mahadceliyey dowladda Imaaraadka iyo kaalinta mugga leh ee ay ka ciyaartay xasilinta Soomaaliya.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments