Wararka ka imaanaya deegaanka Mandheera ee gobalka Saaxil ayaa waxay sheegayaan in Waraabe uu weeraray wiil 15-sano Jir ah, kaasi oo la sheegay in uu baadi goob ugu jiray Ari reerkooda ka maqnaa.
Wiilkaan ayaa dhaawac culus uu kasoo gaaray weerarkii waraabaha, waxaana la sheegay in uu xalay ku dhintay Isbitaalka Magaalada Barbara.
Shukri oo ah Hooyada dhashay wiilkaan ayaa sheegtay, in wiilkeeda isaga oo dhaawac halis ah ay ka dhigeen Waraabihii koox dhalin yaro ah oo la sheegay in ay meeshaasi ka dhawaayeen, kuna baxeen qeylida wiilkaasi.




From the comments