Wasaaradda dhalinyarada maamulka Galmudug ayaa sheegtay in ay wado dadaal ballaaran oo lagu doonayo in dhalinyarada looga wacyigeliyo tahriibka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Saadaq Daahir Mire oo u waramay Goobjoog News ayaa tilmaamay in wasaaradooda ay u taagan tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen dhalinyarada wadankooda ka tahriibaya, kuna dadaalayaan in dhalinyarada shaqo abuur loo sameeyo, sidoo kalena loo sheego dhibaatada uu leeyahay Tahriibka.
“Waa arrin qorshaha noogu jirto in aan dhalinyarada wacyigelinno, una sheegno in marnaba aysan dalkooda ka tahriibin, aniga maamulkii hore ee Galmudug ayaan wasaaradaan ka shaqeynayay, aqoon badanna waan u leeyahay sida dhalinyarada loo wacyigeliyo, hadana maamulkeena aad buu u weynaaday” ayuu yiri Saadaq Mire.




From the comments