Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta kula kulmay Muqdisho wafdi ka socday Dowladda Mareykanka, kaasoo ay Hoggaaminaysay Katie Wheelbarger oo ah Agaasimaha Siyaasadda ee Aqalka Sare Wakiilada, Arrimaha Adeega Ciidamada ee Dowladda Mareykanka.
Kulanka ayaa waxaa ku wehlinayay RW Somalia, Wasiirkia difaaca C/qaadir Sh. Cali Diini, waxaana looga hadlay Arrimo khuseeya amniga dalka, gaar ahaana Qorshaha ay Dowladda Somalia waddo ee isku-dhafka Ciidamada iyo tababariddooda.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii loo tayeyn lahaa shaqaalaha ka Howl-gala Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia, si loo helo shaqaale rayid ah oo aqoon leh oo ka shaqeeya Wasaaradda, waxayna dhanka kale ballan-qaadeen inay taageero ka geysanayaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta taliska Xooga dalka iyo Wasaaradda.



From the comments