Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay weerar shalay ay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga AMISOM ee Janaale.
Kay ayaa sheegay in falkaasi uu yahay mid ay aad uga xumaadeen, waxaana uu sheegay in mar walba Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo AMISOM.
“Waxaan tacsi qalbi iyo laab ah u direynaa qoysaskii iyo ehladii ay ka tageen ciidamadii ku dhintay weerarkii Janaale, kuwaasi oo ka tirsanaa guutada Uganda ee AMISOM, waxay aad ugu dhiiranaayeen oo ay naftooda u harayeen inay ka gun gaaraan ayna ku dabaalaan nabad iyo xasilooni waarta Soomaaliya.




From the comments