Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta tababar u soo xirey Cutubkii labaad ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya oo laylis ciidan ah loona tabobarayay Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kuwaas oo tabobartay dawladda Emiraadka Carabta. Waxana Munaasabadda xiritaanka tababarka oo lagu qabtay xero Agoon ka qeyb galay Xubno ka socday labada gole ee Dawladda iyo Saraakiisha Ciidamadda Qalabka Sida.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay Ciidamadani in ay kaalin wax ku ool ah ka geysan doonaan dhismaha Ciidan qaran ee huffan oo dheeli tiran, isla markaana ku shaqeynaya wadaniyad, wuxuna mahadcelin u jeediyey dawladda Imaaraadka Carabta ee iyadu tababarka bixisay.
“Tabobarkaan iyo soo xiritaankiisu waxay qayb ka yihiin, dib-u-habaynta iyo tayayn qorshaysan ee dib loogu dhisayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo intaas raaciyey Dawladda Soomaaliya muhiimadda koowaad in ay siinayso sidii dalku u heli lahaa ciidamo aqoon iyo khibrad ku shaqeeyana ka baxsan eex iyo cid gooni ah.





From the comments