Taliyaha guud ee ciidamadda xoogga dalka Uganda Jeneraal Edward Katunba ayaa booqdey xeradii ciidamada AMISOM lagu weeraray talaadadii ee deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.
“Booqashadayda waxaa dhaliyey wixii halkan Jannaale ka dhacay, waxaa halkan soo weerartay Alshabaab , iyaga oo difaaca kusoo jiirey gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo la qarxiyey, waxaana nasoo gaaray khasaaro, dad ka mid ah saaxiibadeey ayaa iyaguna naftooda waayay, halkan waxaan u imid koow in aan qiimeeyo sida xaaladu tahay, sida ay wax u dhaceen, iyo in aan eego in gefaf uu dhacay xiligii gurmadka, waxaan aaminsanahay in wiilashani ay si fiican isu difaaceen” ayuu yiri taliyaha.
Taliyaha ayaa waxaa kormeerka ku horwaday taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan Sam Kavuma, isaga oo sidoo kale warbixin ka siiyey sida uu xaalka yahay.




From the comments