Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa aad u adkeeyay amniga guud ee degmada Ceelbuur Gobalka Galgaduud, halkaasi oo la sheegayo inay ku wajahan yihiin mas’uuliyiin ka socota dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.
Ciidamo aad u badan ayaa la dhigay wadooyinka degmadaasi iyo sidoo kale deegaanada halkaasi ku dhaw.
Cabdi Xasan Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceelbuur ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada lagu wareejiyay degmada meel ka baxsan 20-km, sidoo kalena aad loo adkeeyay ammaanka garoonka degmadaasi.




From the comments