Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Takar ee gobalka Gedo, halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhawac isugu jirta ay ka dhalatay.
Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan socday.
Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa halkaasi ku dhintay Laba kalena dhaawac ayaa soo gaaray, sida ay inoo sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.




From the comments