Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Galmudug ayaa deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka Guud ee degmada Cadaado, halkaasi oo bukaanno lagu baxnaaninayo.
Wasiirka caafimaadka Galmudug Nimco Catoosh iyo xubno ka mid ah wasaaradeeda ayaa gaaray Isbitaalka Cadaado, waxaana ay gaarsiiyeen dawooyin isugu jira, kuwa Qalajiye ah, Vitamin, Faleebooyin iyo dawo xanuunka baab’isa.
Wasiiru dowladaha Caafimaadka Galmudug Cali Daahir Ciid oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in Isbitaalkaasi ay jiifaan Bukaanno badan, islamarkaana qaarkood laga keenay dalka Itoobiya.




From the comments