U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Magacaabay Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluuumeysiga

Sebteembar 7, 2015

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xilka Magacaabid Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluuumeysiga u magacaabay Cabdi Jiinow Calasow oo horay u ahaa gudoomiyahii hore Shabellaha Dhexe.

Wareegtada ayaa sidaan u qoran

Ujeeddo: Magacaabid Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluuumeysiga

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Markuu arkay: Qodobka 99aad (A), (D) iyo (G) ee Dastuurka JFS.

Markuu arkay: Qodobka 100aad= (A) iyo (D) ee Dastuurka JFS.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la xoojiyo lana dardargaliyo Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluumeysiga

Markuu arkay: Taariikh-Nololeedka, khibradda iyo aqoonta Xeebaha ee uu leeyahay

aqoonyahanka hoos ku xusan

Wuxuu xeeriyey:

Qod.1aad

Magacaabid

Eng. Cabdi Jiinow Calasow, waxaa loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo kalluumeysiga, laga bilaabo taariikhda sare ku xusan.

Qod.2aad

Dhaqan-gal

Magacaabidani waxay dhaqan-gelaysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda.

Riix Halkaan Si Aad u Akhriso Wareegtadaan