Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta hadal ka jeedinayay munaasabad lagu soo gabagabeynayay Ololaha dhaqanka iyo Hidaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu ay tahay mid u sabarta shacabkeeda, islaamarkaana cafisa cid walba oo qaladka ay gashay dib uga soo laabata.
Waxa uu sheegay wasiirka in hadii ay dhacdo in dowladda isku soo dhiibo Afhayeenka Al-shababa Cali Dheere ay cafinayaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Dowladnimado waa dadka, hadii ay wanaagsanaato idinka ayeey idiin wanaagsanaaneysaa, hala is garab istaago, ciidamada hala garab istaago, dadka Nabad diidka ah iyaga oo dowladda dhibaya, qarxinaya oo laynaya ayeey tiri cafis baad tihiin, Cali Dheere hadii uu maanta yimaado waa cafis, Soomaali kasta intaas ayaanu dilnay soo ma dhaho, intaas ayaan qarxinay oo eber ka dhignay soo ma dhaho, maanta hadii uu yimaado waa cafis, waayo waa Soomaali la qalday , inaan dhaqan celinno, meel geyno uu arko in dadka ay Muslim yihiin, in cibaadadooda ay ka badan tahay tiisa inuu arko baan diyaar u nahay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.




From the comments