Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdi Cusmaan oo ay hareero fadhiyaan koox wasiirro kale ah iyo xeer illaaliyaha guud ayaa warbaahinta u sheegey in wixii maanta laga bilaabo lasoo saaray amar lagu farayo xawaaladaha iyo bangiyada in aysan akoon ama sanduuq u furi karin cid aanan ruqsad heysanin.
“Laga bilaabo maanta waxaa la wargalinayaa dhamaan xawaaladaha iyo bangiyada in aysan akoon u furi karin shaqsi ama shirkad, oo aan ruqsad ama shati ka heysanin wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha” ayuu yiri wasiirka.
Dhanka kale wasaaradda ayaa shaacisey qiimo dhimis boqolkiiba %40 ah oo loo sameeyey shirkadaha iyo meheradaha shatiyada isdiiwaangalinta ka qaadanaya wasaaradda, iyada oo arrinkani looga gol leeyahay in lagu dhiirogaliyo maalgashiga iyo ganacsiga.




From the comments