Ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa shalay lasoo gaarsiiyey gaadiid cusub oo ay ku hawlgalaan, kaasi oo ay ku deeqdey dowladda Japan oo hadda ka horna sidan oo kale gaadiid ugu deeqdey.
Waxaa deeqdani gaadiidka ah oo dhan 56 gaari guddoomay wasiirka amniga qaranka Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Xasan Xaamud, waxaana lasoo bandhigey gaadiidka xaflad ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Tomohiro Tommatsu waa u qeybsanaha arrimaha militariga ee safaaradda Soomaaliya ee Japan ayaa sheegey in gaadiidka loogu talogalay in loogu adeeggo bulshada Soomaaliyeed, isaga oo intaasi ku daray in markasta dowladiisa ay garab taagantahay tan Soomaaliya.


:-

From the comments