Goobjoog

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Faarujiyay Deegaanno Ka Mid Ah Sh/Hoose Iyo Al-shabaab Oo La Wareegtay Deegaanadaasi

Wararka laga helayo gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay qabsadeen deegaanada Golweyn iyo Cambarey oo ka mid ah gobalkaasi. Gelinkii dambe ee shalay ayaa la sheegay…

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Faarujiyay Deegaanno Ka Mid Ah Sh/Hoose Iyo Al-shabaab Oo La Wareegtay Deegaanadaasi

Wararka laga helayo gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay qabsadeen deegaanada Golweyn iyo Cambarey oo ka mid ah gobalkaasi.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa la sheegay in halkaasi ay la wareegtay Xarakada Al-shabaab, ka dib markii ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay halkaasi faarujiyeen.

Inta aysan ciidamada is garabsanaya ka bixin deegaanadaasi ayaa la sheegay in deegaanadaasi uu ka dhacay dagaal sababay dhaawaca 6 qof oo shacab ah.

Deegaanka Golweyn ayaa u dhaxeeya degmooyinka Buulomareee iyo Shalanbood, halka deegaanka Cambarey uu u dhaxeeyo Baraawe iyo Buulomareer.

Shacabka ku dhaqan deegaanada ay qabsadeen Al-shabaab waxaa soo wajahay cabsi ah in mar kale lagu dul dagaallamo, waxaana sidoo kale la sheegayaa in deegaanadaasi barakac uu ka billawday.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments