Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo goordhow oo galabta casar gaabadkii ah xiliga Soomaaliya kulan deg deg ah ku yeeshay meel aan sidaasi uga fogeyn goobta beri lagu qaban doono munaasibada caleemasaarka ayaa ansixiyay in 10xubnood lagu soo kordhiyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo horay u ahaa 75 xubnood balse wixii hadda ka dambeeya noqonaya 85 xubnood.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si buuxda u taageeray go’aankii uu shalay shaaciyay Madaxweyne Axmed Madoobe ee ahaa in 10 xubnood lagu kordhiyay Baarlamaanka Jubbaland kadib cabashooyin iyo baaqyo kala duwan oo meelo kala duwan uga kala yimid.
Xildhibaanada ayaa cod gacan tag ah u qaaday in 10 xubnood lagu soo kordhiyo Baarlamaanka Jubbaland iyo inkale.




From the comments