Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa gadood ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, ka dib markii ay saluugeen lacag mushaar ahaan loo siiyay.
Ciidamadaan ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayeen 200 oo askari, waxaana ay ka tirsan yihiin kuwa loo yaqaano Birmadka ee Booliiska Puntland.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ay muddo saacado ah xanibeen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Boosaaso, iyaga oo isku uruursaday markii hore kontaroolkii hore ee magaaladaasi.




From the comments