Wararka ka imaanaya deegaanka Mareergur ee gobalka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in shacabka halkaasi ku dhaqan ay billaabeen barakac baahsan, ka dib markii ay ka baqeen in lagu dul dagaallamo.
Ciidamo ka kala tirsan Ahlu-sunna Waljameeca iyo Galmudug ayaa la sheegayaa in duleedka deegaankaasi ay isku soo hor fariisteen, taasi oo keentay in shacabka ay magaalada ka barakacaan.
C/salaan Xasan Samatar oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Mareergur ayaa u sheegay Goobjoog News, in xaaladda deegaanka ay tahay mid aad u kacsan, iyadoo shacabka intiisa badan ay halkaasi isaga baxeen.




From the comments