Qaar ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa waxaa ka jira biyo la’aan saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool deeganadaasi.
Cabdi Xoosh Cismaan, waa gudoomiyaha deegaanka Keyn ee gobalka Galgaduud, kana mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Cadaado, waxa uu sheegay in deegaankaasi ay ka jiraan xaalado biyo la’aaneed oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool halkaasi.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in deegaankaasi iyo kuwa ku dhaw aysan helin Seddaxdii Sano ugu dambeeyay roobab ku filan, taasina soo dedejisay biyo la’aanta jirta, maadaama dadka ay u badan yihiin kuwo Isticmaala Barkado.




From the comments