Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, waxaa maanta ka furmaya Wejiga Seddaxaad ee shirka wada tashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira.
Shirkaan ayaa looga hadli doonaa arimaha ku aadan hiigsiga 2016-ka, xilli madaxda dowladda iyo kuwa maamul gobaleedyada ay guud ahaantood ku sugan yihiin magaalada Kismaayo.
Wejigii 1-aad ee Shirkaan ayaa ka furmay magaalada Muqdisho February 6, 2015, waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah oo la’isku af gartay.




From the comments