Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu goor dhaw ka furmay sirka wada tashiga dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada, kaasi oo looga hadlayo arimaha ku aadan hiigsiga 2016-ka.
Shirkaan ayaa ah wejigii Sedaxaad, waxaana horay loogu kala qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.
Maamulada shirkaan ka qeybgalaya waxaa ka mid ah Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo maamulka Galmudug oo markii ugu horeysay ah.




From the comments