Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa sheegay in wadada isku xiriirisa magaalooyinkaasi ay kusoo kordheen Isbaarooyin badan.
Mid ka mid ah darawaladaan oo soo booqday xarunta dhexe ee Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhibaato badan ay la kulmaan xilliga ay safrayaan, islamarkaana dhawaan la dhaawacay shacab iyo nin darwal ah.
“Dhibaatooyin badan ayaa soo laablaabtay, waxaan wadanaa gaari NOHA oo qaadeysa 8 ruux, meel walba oo aan tagno waxaa nala leeyahay keena 120-kun, marka maxaa soo haraaya, maalin hore gaadiid ayaa la rasaaseeyay darwalkii gaarigaasi lugaha ayuu ka jajabay, sidoo kale qof shacab ah waxbaa soo gaaray, annaga dhibaato nooma yara, askari ayaa jidka iska soo galaaya waxaana uu ku leeyahay keen lacag mana ogin meesha ay lacagtaasi u socoto” ayuu yiri Darawalkaan magaciisa ka gaabsaday arrimo ammaan awgeed.




From the comments