Kallumeysiga sharci darrada ah ee domaha shisheeye ku hayaan dalka Soomaaliya waxaa khatar ku hayaan dhaqaalaha dalka Soomaaliya, waxaa kaloo ay soo celin karaan dhibaatadii Burcad Badeedka dalkan ku yaalo geeska Afrika.
Burcad Badeedka ayaa inta badan waxaa ay marmarsiyo ka dhigtaan in ay badda ka ilaaliyaan Kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka jira xeebta Soomaaliya.
2011-kii Waxaa ay burcad Badeedka afduubteen in ka badan 28 Markabka, waxaa kaloo dhacay ilaa 237 dhacdo oo arinkan la xiriira lakin arinta Burcad Badeedka waxaa hoos u dhigay markii markiibta ay soo wateen ilaalo u gaar ah.




From the comments