Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Maxamed Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa waraaqadiusa aqoonsiga ka gudoomey madaxweynaha Turkiga Mudane Rajep Tayip Erdogan.
Danjire Maxamed Cabdullaahi ayaa badalaya safiirkii horey halkaasi u fadhiyey Maxamed Mursal oo xilkaasi laga badalay.
Sanbaloolshe waxa uu soo ahaa wasiir, markii ugu dambeysana waxa uu noqdey taliyaha nabad suggida qaranka ee NISA, xilkaasi oo uu ka qaaday Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.





From the comments