Meydka wiil dhalinyaro ah, aadna looga garanayay degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe ayaa laga helay duleedka degmadaasi.
Maamulka gobalka Shabellaha Dhexe iyo Taliska Booliiska degmada Jowhar ayaa Meydka soo dhigay Isbitaalka Inter SOS, waxaana la sheegay in Meydka wiilkaasi laga soo qaaday duleedka Waqooyi ee magaaladaasi.
Marxuumka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Abshir Bakhuur, waxaana jirkiisa ku yaallo dhaawacyo, iyadoo Taliska Nabad sugidda Jowhar ay wadaan baaritaan ku aadan cidda wiilkaasi dishay.




From the comments