Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Laba caruur ah ay degmadaasi ugu geeriyootay cudurka Shububan Biyoodka.
Degmada Balcad iyo deegaano kale oo ku dhaw degmadaasi ayaa lagu soo waramayaa in uu ka jiro cudurka shuban biyoodka, kaasi oo ay la il daran yihiin caruur iyo dad waaweyn halkaasi ku dhaqan.
Isbitaal ku yaalla degmada Balcad ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay caruur badan oo Shuban biyood kula soo dhacay deegaanada ku dhaw degmadaasi.




From the comments