Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Fabrizio Marcelli, iyo ku simaha wakiilka gaarka ah ee Somalia Ms. Bushra Halepota, ayaa wada saxiixday heshiis lacageed oo lagu caawinayo qaxootiga Soomaaliyeed.
Munaasabadan ayaa dhacday iyadoo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gudiga qaranka ee qaxootiga Soomaaliyeed iyo dadka gudaha dalka ku barakacay Mr. Axmed Nuur, safiirka Soomaaliya u Fadhiya Kenya mudane Jamaal Maxamed Xasan, masuul ka socday UNHCR iyo ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.
Heshiiska ayaa lagu sheegay in dowladda talyaaniga ay ugu deeqday hay’ada UNHCR 1 Milyan oo Yuuro ah si loogu caawiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ka imanaya dalka Yemen, islamarkaana laga taageero sidii ay uga mid noqon lahaayeen qaxootiga kale ee gudaha Soomaaliya ku sugan.




From the comments