Shir ballaaran oo looga hadlayay maalgashiga Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay Dubai, ee Isku tagga Imaaraadka carabta, kaasi oo ay ka qeybgaleen wasiiro ka kala tirsan Soomaaliya iyo Isku Tagga Imaaraadka Carabta.
Intii uu shirkaan socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan sidii loo maal gishan lahaa Soomaaliya, islamarkaana dowladda Imaaraadka Carabta uga faa’ideysan lahayd maalgashi ay ku sameysato dalka.
Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Maalgashiga xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo warbaahinta la hadlay shirka ka dib ayaa sheegay in kulanka uu kusoo dhamaaday guul iyo is faham, sidoo kalena ay tani muujineyso inuu sii xoogeysto xiriirka u dhaxeeya Labada Dal.




From the comments