Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Odayaal iyo xildhibaanno dhawaan sheegay in Seddax Degmo oo ka mid ah Bakool aysan hoostagi doonin maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo ka digay in gobalka la kala gooyo.
Waxa uu sheegay in dhamaan dadka ka hadlay arrimaha ku aadan ka bixista Koonfur Galbeed, aanay wax shaqo ah ku lahayn gobalka Bakool, islamarkaana degmooyinka ay degaan ay jiraan dhanka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Xildhibaan Afaraale ayaa sheegay in degmooyinka Yeed iyo Caato aysan degmo ahayn, ayna yihiin deegaanno, islamarkaana Bakool uu ka kooban yahay 5 degmo oo dowladii Dhexe ka tagtay.




From the comments