Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyadoo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Amniga, shirkii maalgashiga Soomaaliya ee ka dhacay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta iyo dejinta sharciga naafada Qaranka.
Ugu horeyntii golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiirka Amniga gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed kaasoo ku aadanaa horumarada amniga iyo howlgalada ka socda qeybo ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka, isaga oo tilmaamay in ciidanka Qaranku ay guulo ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey ee ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Bay, halkaasoo laga saaray unugyo ka tirsan kooxaha nabad diidka ah oo ku sugnaa.
Wasiirka Isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim ayaa Golaha Wasiirada warbixin dheer ka siiyay shirkii Maalgashiga ee ka dhacay dalka isutaga Imaaraadka Carabta shirkaasoo lagu gorfeeyey fursadaha maalgashiga ee dalka Soomaaliya iyo dhinacyada ugu muhiimsan ee haatan laga taageeri karo, waxaana uu xusay in dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Isgaarsiinta iyo kheyraadka dabiiciga ah ay ahaayeen qodobada sida weyn looga dooday.




From the comments