Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu goor dhaw ka dhacay qarax Miino, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Qof ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Goobjoog News, u xaqiijiyay in qaraxaan uu ahaa Miino lagu aasay Xerada Ciidamada Shiirkole oo ku dheggan Madaxtooyada Jubbaland.
Goob Geed hoostiisa ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil Ciidan ayaa la sheegay in ay ku duugney Miinada, waxaana la xaqiijiyay in halkaasi ay ku geeriyoodeen Seddax sarkaal waxaana dhaawac uu soo gaaray 7-kale xilli halkaasi ay ku shirayeen.




From the comments