Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hor inta aanu kasoo amba bixin Garoowe, waxa uu saxaafadda u sheegay in aysan marnaba ka tanaasuleyn mowqifyada ay Puntland ka qabto arrimaha Federaalka iyo dowladda intaba.
Waxa uu sheegay in shirka aysan kala laaban doonin waxyaabo uu sheegay in aysan u cuntamin Puntland, isaga oo tilmaamay in wax walba oo ay qabaan ka sheegi doonaan shirka wadatashiga ah.
“Shirka aan Muqdisho uga qeybgalayno micnihiisu ma ahan in Puntland ay ka tanaasuleyso Mowqifyadii ay aaminsaneyd, annaga wax walba oo aan tabaneyno madasha wada tashiga ayaan ka sheegaynaa, shacabka Puntland wax aysan ku qanacsaneen kama keenno donno Muqdisho” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.




From the comments