Magaalada Muqdisho Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaa maanta lagu soo dhaweeyay madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Waxa ay dhammaantood ka qeybgali doonaan shir wada tashi ah oo ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo la doonayo in looga arrinsado arimaha ku saabsan hanaanka doorashooyinka 2016 iyo arrimo kale oo dhanka siyaasadda ah.
Sidoo kale waxaa shirkani looga hadli doonaa sidii loo dhameyn lahaa khilaafyada jira iyo in la xalliyo wax walba oo lakala tabanayo.




From the comments