Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weji cusub uu ugudbi doono wada hadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, isaga oo dhanka kale rajo ka muujiyay mira dhalka wada hadalladaasi.
Waxa uu tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh in meel wanaagsan uu marayo wada hadallada, sidoo kalena ay ku haminayaan in natiijooyin wax ku ool ah ay kasoo baxaan.
Inatas waxa uu warkiisa ku daray Madaxwaynaha in dadaal ay ku bixin doonaan, sidii Maamulka Somaliland uu uga mid noqon lahaa dhinacyada ka soo qayb gala kulamada looga hadlaya aaya ka tashiga Soomaaliya




From the comments