Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka wada tashiga ah ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada, kaasi oo shalay furmay.
Waxaa shirkaan ka qeybgalaya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, Gudoomiye Jawaari, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyhanaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, qaar ka mid ah Wasiirada dowladda Federaalka, IGAD iyo Qaramada Midoobay.
Shirkaan ayaa looga tashanayaa hanaanka doorashada dhici doonta 2016-ka ay noqoneyso iyo sidoo kale ka hadalka khilaafyada jira.




From the comments