WAR DEG DEG AH:- Dad Muhaajiriin Ah Oo Ku Geeriyooday Badda Turkiga

Ugu yaraan 13 muhaajiriin ah ayaa ku dhimatay Badda turkiga kadib markii doon ay ku tahriibayeen ku dhacday Markab.
Dhacdadaan ayaa ka dhacday xeebta dalka Turkiga gaar ahaan meel u dhaw dekadda la yiraahdo Canakkale.
Doonidaan ayaa waxaa la sheegay in ay ku wajahneyd Jasiirad ku taallo dalka Giriigga.
Sida ay sheegtay wakaalad laga leeyahay dalkaasi oo la yiraahdo Dogan in doonidaas ay waday 46 qof laga soo badbaadiyay 23 halka 13 kalena ay halkaasi ku dhimatay ayna ku jiraan 4 caruur ah.
Dhanka kale bilihii ugu dambeeyay ayaa waxaa Yurub ku sii qulqulaayay Kumanaan Siiriyaan iyo Afrikaan muhaajiriin ah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayaan in safaf dhaadheer ku jiraan muhaajiriin ku sugan xadka u dhaxeeyo dalalka Croatia iyo Austria halkaas oo ay doonayaan in ay uga sii gudbaan Yurub inteeda kale.
Austria, Hungary iyo Croatia waxaa lagu eedaynayaa in aysan wax ka qaban arrimaha muhaajiriinta kasoo gudbayey xudduudooda.
Goobjoog News