Saraakiisha Nabad sugidda maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, ka musaafurinayaan 60 Haween ah oo ay sheegeen in ay yihiin xaasaska rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab.
Axmed Carab oo ka mid ah saraakiishaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamadooda ay maalmihii ugu dambeeyay ku howlanaayeen sidii ay kusoo qaban lahaayeen Haweenkaan, islamarkaana magaalada laga musaafurin doono.
“60 Haween ah oo xaasaska Al-shabaab ayaa gacanta ku dhignay, magaalada ayeey deganaayeen, waana la musaafurinayaa, waxaana loo dirayaa meelaha Shabaabka ay joogaan” ayuu yir Axmed Carab.




From the comments