Qaar ka mid ah beeraleyda gobalka Shabellaha Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye ayaa maanta loo furay tababar xagga beerashada ah, waxaana tababarkaasi soo agaasintay wasaaradda Beeraha ee xukuumadda Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Maxamuud Maxamed Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay mid beeraleyda Soomaaliyeed, ay ka faa’idi doonaan sidii ay u hormarin lahaayeen tacabkooda, waxaana uu sheegay in wasaaradda ay ballaarinayso qorshaha tababarada lagu siinayo beeraleyda Soomaaliyeed, ayna sii kordhinayaan tababarada sidaan oo kale ah.
Waxa uu sheegay agaasimaha cashiradaan markii ay dhamaadaan inay rajo wanaagsan ka qabaan in waxbadan ay ka faa’idaan beeraleyda.




From the comments