Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo wakiilka Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta nabadda adduunka, taasoo sanadkaan halku dhegeedu ahaa “Aan ku midowno Nabadda”.
Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay madaxda maamul goboleedyada dalka, gaar ahaana madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Maxamed Madoobe.
Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Haweenka iyo xafiiska UNSOM ayaa waxaa lagu muujiyay muhiimada ay nabadda u leedahay bani’aadamka, si gaar ahna dalka Soomaaliya oo 70% (boqolkiiba todobaatan) dadkeedu yahay dhalinyaro, waxaana laga aqriyay goobta baaqii dhalinyarada caalamka ee ka soo baxay shirkii ay ku yeesheen dalka Urdun, kaasoo lagu qeexay in loo baahan yahay in dhalinyaradu ay qeyb ka noqdaan hay’addaha siyaasada dalka, si loo helo xasilooni iyo nabad.





From the comments