Deegaanka Gelinsoor ee gobalka Galgaduud, waxaa horay uga dhacay dagaal beeleed sababay in shacab badan ay halkaasi ka barakacaan, hase ahaatee maamulka degamadaasi ayaa sheegay inay wadaan dadaal ay ku doonayaan in dib ay usoo celiyaan dadkii barakacay.
Cali Saciid Cabdi oo ah gudoomiyaha magaalada Gelinsoor ee gobalka Galgaduud oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal badan oo shacabkaasi dib loogu soo celinayo.
Waxa uu tilmaamay in wada hadal laga geli doono dagaalladii ka dhacay demadaasi, sidoo kale la’isku keeni doono dadkii wada dagaallamay.




From the comments