Madaxweynaha Jamahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyada Ciidda u direy guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in maalmahan fadliga leh awgeed loo baahan yahay in la caawiyo dadka danta yar isla markaana laga farxiyo si dadka kale ula qeybsadaan farxadda munaasabadda ciida.
Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa dhankiisa waxaa uu hambalyo u direy dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Adxa awgeed.




From the comments