U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Shacabkiisa Ugu Hambalyeyay Munaasabadda Ciidul Adxaa

Sebteembar 24, 2015

Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu Hambalyo ku aadan Munaasibadda Ciidul Adxaa u diray dhammaan umadda muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka reer Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha farxadeed awgeed loo baahan yahay inay is cafiyaan dhammaan umadda Soomaaliyeed , islamar ahaantaana laga farxiyo dadka danyarta ah iyo ubadka soo koraya.

“Illaah waxaan ka baryayaa in sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo Nabad gelyo, Horumar, Wadajir , Midnimo iyo inaan ka shaqeynno midnimadeenna iyo horumarkeena” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Maanta ayaa caalamka oo dhan looga dabaal degayaa munaasabadda maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Ciid Wanaagsan

Goobjoog News