Muwaadiniin Soomaaliyeed oo xujey ah ayaa lagu la’yahay magaalada Mina oo dhawaan ay ku geeriyoodeen xujey ka badan kun qof, ka dib markii ay is buurteen.
Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Galmudug C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor oo kamid ah xujeyda sanadkani ayaa u sheegay Goobjoog News in dad Soomaali ah oo isla socday ay is la’yihiin kuwaas oo nolal iyo geeri aan meelna lagu sheegin.
Waxa uu inoo xaqiijiyay in ay halkaasi ku geeriyoodeen muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo tiradooda horay loogu sheegay 7, balse laga yaabo in intaasi ay ka badato.




From the comments