Taliska ciidamada Booliiska maamulka Jubbaland ayaa sheegay in bisha soo socota ay guud ahaan degmooyinka gobalka Jubada Hoose, ee ay maamulaan ka dhisi doonaan saldhigyada ciidamada Booliiska, si ay uga qeybqaataan sugidda amniga.
Taliyaha ciidamadaasi Gaboobe Xasan Barre oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in isaga iyo saraakiil ciidan ay ku bixi doonaan guud ahaan degmooyinka Jubada Hoose.
“Waxaan tageynaa degmo walba oo gobalka Jubada Hoose ka mid ah, sidoo kale waxaan rabnaa inaan soo dhisno degmo iyo Tuullo ciidamo Booliis ah, dib u dhis lagu sameeyo saldhigyadii ciidamada Booliiska, mar hadii Milatarigii ay xureen wadaan Booliiska waxaa looga baahanyahay xaqiijinta ammaanka meelaha la qabto” ayuu yiri Taliyaha.




From the comments