Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in gudoomiyaha deegaankaasi uu ku dhaawacmay Miino la sheegay in gurigiisa loo dhex dhigay.
Miinadaan oo ahayd sida la sheegay mid meelaha Fog fog laga hago ayaa loo dul saaray meel uu si gaar ah gurigiisa uga fariisan jiray Gudoomiyaha Ceelcadde Cabdirashiid Cali.
Dhaawac xooggan ayaa soo gaaray gudoomiyaha, waxaana lagu daweynayaa Isbitaal ay leeyihiin ciidamada AMISOM.




From the comments