Goor dhaw ayaa mid ka mid ah ciidamada dowladda Hoose ee Xamar waxaa lagu dilay Suuqa Siinaay ee degmada Warta Nabadda xilli uu Canshuur uruurinayay.
Laba nin oo ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in dilkaasi ay ka u geysteen askarigaasi, iyaga oo goobta ka baxsaday.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Siinaayo ayaa u sheegay Goobjoog News, in askariga la dilay lagu magacaabayay Boosh, kaasi oo muddo badan halkaasi ka shaqeynayay.




From the comments