Midowga Yurub ayaa howl-galkiisa ka dhanka ah Tahriibka Sharci darada ah ee badda Mediterranean ugu magac daray Safiya taas oo ah gabar yar oo laga badbaadiyay Xeebta Liibiya bishii hore, Wakiilada midowga Yurub ayaa sheegay in howlgalkan ay bilaabi doonaan October 7, 2015.
Howlgalkan, ciidamadda Badda Midowga Yurub ayaa waxaa ay kori doonaan, Baari doonaan isla markaana qaban doonaan markabkii ay ku helaan in uu si sharci darro ah Tahriibayaal ugu wado Yurub, howlgalkan hadda dhamaaday waxaa uu soo bilowday bishii Jine.
Howlgalkan waxaa fulinaya 4 Markab oo laga leeyahay dalka Talyaaniga, Markabka Diyaaradaha qaada oo isla Talyaaniga laga leeyahay iyo 4 diyaarad, Waxaa ka qeyb qaadanaya 1,318 oo qof oo ka kala socdo Wadamada Yurub.




From the comments