Goobjoog

Amiir Nawaaf Bin Cabdi Casis oo Geeriyooday

Nawaaf Bin Cabdi Casis oo ahaa La taliyaha Boqorka Sacuudiga ayaa Talaadadii geeriyooday sidaa waxaa sheegtay dowladda Sacuudiga. Amiir Nawaaf, waxaa uu horay u soo noqday Wasiirka arimaha gudaha iyo…

Amiir Nawaaf Bin Cabdi Casis oo Geeriyooday

Nawaaf Bin Cabdi Casis oo ahaa La taliyaha Boqorka Sacuudiga ayaa Talaadadii  geeriyooday sidaa waxaa sheegtay dowladda Sacuudiga.

Amiir Nawaaf, waxaa uu horay u soo noqday Wasiirka arimaha gudaha iyo Madaxa Sirdoonka dalka Sacuudiga.

Mas’uul u hadlay Sacuudiga ayaa sheegay in Amiirka Caawa lagula dukan doono Xaramka salaadda Cishaha Maanta oo arbaco ah.

Amiir Nawaaf waxaa uu ahaa 82 jir, waxaa horay 2002-dii looga qalay Wadnaha xilligaas uu aad u xanuunsaday.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments