Isbitaalka Magaalada Baladweyne Oo Ku Dhaw Inuu Dawo La’aan u Xirmo
Maamulka Isbitaalka Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in Dawo la’aan baahsan ay xilligaan ka jirto Isbitaalkaasi, iyadoo cabsida ugu daran tahay inuu Isbitaalka Xirmo.
Agaasimaha Isbitaalkaasi Axmed Maxamed Khaliif oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in dhaqaatiirka halkaasi jooga ay ku shaqeeyaan lacag la’aan, islamarkaana uu gabaabsi ka yahay qalabka lagu shaqeynayay.
Bukaanada hadda jiifa isbitaalka oo tiro ahaan gaaraya 52 ayuu sheegay in aysan jirin dawooyin ku filan oo ay heleen.
Markii ay dhacday dawo la’aanta islamarkaana xaaladda isbitaalka ay kasii darayso ayuu sheegay in Bukaanada la billaabay bukaanada in laga qaado lacago yar oo dawadooda loogu iibiyo.
“Dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka malahan dawo, shaqaalaha waxay ka badan yihiin 70, waxayna ku shaqeeyaan iskaa wax u qabso muddo 8 bil ah, dadka hadda waxaa laga qaadaa lacago aan sidaa u badneen, waayo Isbitaalka hadii la xiro reer Hiiraan gobalo kale ayaa loo qaadi lahaa, lacagtaasi ka baxayo iyaga ayaan daawadooda uga dhigeynaa kuna soo celinaynaa” ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka Baladweyne.
Dhinaca kale agaasimaha Isbitaalka Baladweyne ayaa ka digay in uu xirmo Isbitaalkaasi, islamarkaana hadii aan shaqaalaha degdeg Mushaar loola soo gaarin laga yaabo in Isbitaalka uu xirmo.
“Shaqaalaha waxay hadda niyadda ku dhisanayaan inay is adkeeyaan bilaha ka dhiman sanadka, hadii aysan mushaar helin mudadaasina waxaa halis ah in Isbitaalka uu xirmo”
Isbitaalka Baladweyne ayaa hadda maraya marxaladii ugu adkeyd ee Dawo la’aanta ah, waxaana jirin hay’ad ama cid si gaar ah gurmad u fidisa Isbitaalkaasi.
Goobjoog News